Daawo: Bulshada qoraxaad oo gudoomay qalabkii lagu dhisi lahaa MCH ka Suldaan ee magaalada Qoraxaad



Magaalada qoraxaad oo ka tirsan Degmada Baargaal waxay koonfur galbeda kaga beegan tahay baargaal waxayna u jirtaa qiyaas ahaan 80 km waa deegaan balaaran oo ay ku xeeran yihiin reer guuraa aad u badan caafimaadka iyo waxbarashada ayaa ugu muhiimsan nololsha aadamaha waana goobaha ay ku baxdo sadaqadu bulshada deegaanka qoraxaad ayaa gudoomay qalabkii lagu dhisi lahaa MCH ka Suldaan ee magaalada Qoraxaad iyagoo aad u soo dhaweeyay arintan unna mahad celiyaya dhalinyaradala isxilqaamayaasha hiigsi iyo horumar oo barnaamajkaas soo abaabulay iyo suldaan Maxamed muuse indhataag oo horkacayay iyo dhamaan dadkii wax ku bixiyay dal iyo dibad ayagoo ugu baaqay dadka muxsiniinta ah meelkastay dunida ka joogaan inay ka qayb qaataan dhismaha MCH-ka Suldaan ee magaalada Qoraxaad Bulshada Deegaanka Qoraxaad waxay cadeeyeen inay diyaar u yihiin wixii looga baahdo dhinacdooda oo ay ugu horayso dhulka laga hirgalinaayo xarunta caafimaad ee hooyada iyo dhalanka Ugu danbaytii waxay ugu baaqeen wasaarada Caafimaadka #Puntland inay ka qayb qaadato doorkeedii sidii loo hirgalin lahaa oo loo shaqogalin lahaa Xaruntaas caafimaad iyagoo tixgalinaaya baahida wayn ee loo qao xarun caafimaadka deegaanka qoraxaad iyo deeganada u dhow dhow

Post a Comment

أحدث أقدم